top of page
Writer's pictureSaid Mohamed

Xaawo Cabdi: Hooyo, Dhakhtar iyo Halyeey

Ka waran haddii laguu guuriyo adoo 12 jir ah… Weliba nin balwad leh, aadan rabin, oo kaa da’ weyn. Noloshu soo ciriiri ku guma noqoteen? is-dishay iyo is-daldashaaba soo maad quusateen? Guur kaliya ma aha, weliba ka waran haddad uur qaado markiiba, oo aad markaad 13 jirsato aad cunug baralaatiya dhasho. Waayo maskaxdada iyo jirkaagu midna uma diyaarsanayn dhibka uurka iyo umusuha. Adoo intaas oo dhib ah ku jidha… Ka waran haddii ayeeydaa aad ifka ugu jeclayd, laguu sheego in ay geeriyootay… Soo ma aha cidla-ciirsi iyo cir ka dheer, dhul kaa dheer! İntaas oo dhib ah, haddii laguugu daro in cunugii aad ku curatay uu geeriya do, maxaad yeeli lahayd?


Xaawo Cabdi Dhiblaawe, intaas oo dhib ah kadib waxa ay furniin ka dalbanaysaa ninkii dayacay, ee xataa markii ay umusha ahayd aan masruufi jirin. Waxa ay dib ugu laabanaysa waxbarashadii ka baylahday markii sida qasabka iyo tolkaa lagu guuriyay. Muddo kooban kadib waxa ay noqonaysaa ardayda ugu horeeya ee İskoolka Xamar-jajab. Markii muddo la joogay, waxaa haddana dhimanaya hooyadeed. Halkaas ayay ugu dhalanaysaa in ay wax ka barato jirka bini-aadamka sida uu ushaqeeyo iyo cuduradda ku dhaca. Waa bilowga fikirka barashada kuliyada caafimaadka. Laakiin madaama ay luuqadaha ku fiicnayd, macalimadeedi luuqada Talyaaniga, waxa ay ku taalinaysaa waayahaas, in ku fiicantahay xoghaynta. Ayna iska dhaafto fikirka dhakhtarnimada. Taas badalkeedna ay raadsato shaqada xoghaynta safaaradda Talyaaniga. Bal gefkaas daya!


Dr. Xaawo kama tanaasulayso hamigeeda dhakhtirnimo. Muddo yar kadib waxa ay minxo kulliyada caafimaadka ah ka helaysa Midowgii Soofiyeeti, gaar ahaan dalka Ukrain. İnta ay ku jirto kulliyadda caafimaadka, waxa ay waraaqo is dhaafsanayaan qoyskooda. Taas oo xoojinaysa doonisteeda in markii waxbarashadu dhamaato dalka lagu laabta ah. Ayadoo aan waxbarashadeeda dhameysan ayuu aabaheedna geeriyoonayaa. Hayeeshee dabeyshaas murugeed marna ma liicineyso kartida iyo samirka Dr. Xaawo.

1971dii, markii ay soo dhamaysato kulliyadda caafimaadka, waxa ay markiiba ku soo laabanaysa dalka. Ayadoo ka hawl galaysa isbitaalka Digfeer. Halkaas oo ay shaqanayso muddo. Kadibna waxa loo badallayaa isbitaalka Banaadir. Halkaas oo ay ka noqotay bare kulliyadda caafimaadka ee Jamacadda Umadda. Maalmahaas waxa ay ku tilmaamaysa kuwii ugu farxadda badnaa. Waxa ay xasuusin jireen waayihii ay soo martay.

Waayo kadib, Dowladdii Kacaanka waxa ay dhakhaatiirta u ogollaanaysaa in furan karaan xarun-caafimaad oo u gaar ah. Waa taas, tan dhalinaysaa in Dr. Xaawo ay dhul ka gadato Lafoole. Dhulkaas oo noqday aas-aaska xaafada Xaawo Cabdi, ee aan maanta wada naqaan.


Waxa ay maalmuhu is-guraan ba, waxaa bilaabanaya dagaalkii sokeeye. Wuxuuna sababayaa qax iyo barakac safmar ah. Dr. Xaawo, waxa ay noqonaysaa qof laguu soo hirto. Kumaanan qof ayaa soo buuxdhaafinaaya hoygii Dr. Xaawo, ee Lafoole ku yiillay. Baad iyo biyo waxa ay haysatay waxa ay la wadaagaysaa dadkii soo barakacay. Waxa ay daawinaysaa dhawacooda, bugtadooda iyo xaamilooyinkooda. Hoyga Xaawa Cabdi malahan qabiil iyo qolo. Waa goob Ebbe, oo dadku ay u soo hirtaan. Waxa ay hirgalisay oraahdii Ruumi ee ahayd, “Soo dhawaw, qofkaad rabto iyo waxaad rabtaba ahaw e.”

Wixii dagaal iyo burbur dalku uu soo maray, Dr. Xaawo, waxa ay ahayd miskiin quudiye. İnkastoo bulshada caalamku taageeri jireen, haddana inta badan xoolaheeda gaarka ayay dadka ku soo qaxay baad, biyo iyo daawo u siinjirtay. Qabqable, hoogaamiye-kooxeed iyo wadaad diimeed hubaysan midna kuma ridin rajo-beel. İnkastoo in badan lagu soo duulay, la dhibaateeyay oo la xiray, oo xataa dad kaamka ka shaqeynayay la laayay, marnaba Dr. Xaawo ma baqin, mana cararin. Waxa ahayd geesi aan xaqa ka gaban.


Dhib kasta wuxuu leeyahay dheeftiisa. Dr. Xaawo ugu danbayn waxaa shaqeeda bogaadiyay bulshada caalamka. Waxaa la gudoonsiiyaay biladdo caalami ah. Waxa ayna dunida ka tagtay ayadoo la wada jecelyahy sanadkii 2020kii.


Markii dad akhriska jecel aad isla kulantaan, waxaa la is weydiiyaa buuggee aad ku saameeyay noloshaada. İnta aan akhrin buugga Xasuus Qorka Dr. Xaawa Cabdi, marka la iweeydiiyo su’aashaas inta aan dib-u-baaro maskaxdayda ayaan buug un sheegi jiray. Hayeeshee buuggan wuxuu noqday mid igu reebay dareen gocosho oo qotodheer.

Maalmaha aan buugga akhrintiisa bilaabay waxaa gabo-gabo ii maraya kulliyada caafimaadka. Anigoo akhriska buugga wada ayaan soo afmeeray jaamacadii. Laakiin nasiib-darro, sida Dr. Xaawo, uma aanan tabaabusheysan in aan ku laabto dalkii. Waayo dalku dalkii ma aha, dadkuna dadkii ma aha. Haddaba dareenkaas ayaan ku akhriyay buugga. Mar waxaan gocday berisamaadkii, mar waxaan u naxay nolosha Dr. Xaawo, marna waxaan u riyaaqay geesinamada, nafhurnimada iyo adkaysigeeda. Dhibaatooyinkii yaraa ee aan niyada ku haystay waxa ay noqdeen kuwa ka huleelay kashayda. Waxaan ka dhaxlay buuggan aragti, adkaysi iyo dadnimo.


Adigu ma akhrisay buuggan? Haddii ay jawaabto tahay haa; maxaad ka daxashay? Haddii ay jawaabtu tahay maya; horay u gaar, hubaal waad ka helaysaaye.

22 views0 comments

Comments


bottom of page